Qasem Soleiman oo lagu dilay Baqdaad

Date:

Wasaaradda Gaashaandhiga Dalka Mareykanka ayaa sheegtay in ay duqeyn xagga Cirka ah ku dileen Madaxii Ciidamada xulka ah ee Quds Force , Qasem Soleiman, xilli uu la socday raxan Gaadiid ah oo marayay meel aan ka fogeyn Garoonka Diyaardaaha ee Magaalada Baqdaad.

Jeneraal; Qasem Soleiman ayaa ahaa madaxa cutub kamid ah Ciidanka ilaalada kacaanka Waddanka Iiran ee lagu Magacaabo Quds, kuwaas oo looga tala galay in ay ka howl-galaan meelo ka baxsan Dalkooda.

Weerarka ayaa sidoo kale lagu dilay Abu Mahdi al-Muhandis, oo ahaa taliye ku-xigeenkii Maleeshiyaadka Ciraaq ee taageerada ka hela Dowladda Iiran iyo xubno kale.

Duqeynta ay Diyaaradaha Maraykanka ka geysteen gudaha Dalka Ciraaq ayaa ahayd mid lagu  bartilmaameedsanayay kooxo taabacsan Dowladda Iiran oo xurguf ay kala dhexeyso xukuumadda Washington DC.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Habkee u shaqeysaa xarunta soo dhoweynta iyo daryeelka dadka dalka ku soo laabanaya?

Ku-xigeenka Xoghayaha 2-aad ee Safaaradda Sweden, David Kollberg, iyo...

Dhismaha cusub ee Kumaandooska Gor Gor oo xarigga laga jaray

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS “Amni darradu waa dabarka ku xiran horumarka da’yarta Soomaaliyeed.”

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray waddooyin muhiim ah

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...