Banaanbax Ka Dhan Ah Al-Shabaab Oo Muqdisho Ka Dhacay

Date:

Banaanbaxani oo ahaa mid ballaaran oo uu soo qaban-qaabiyay maamulka gobolka Banaadir ayaa ka dhacay iskuulka tababarka ciidanka Booliska ‘General kaahiye’ weerarkaas ayaa waxa ku dhintay dad badan oo aanan waxba galabsan.

Iskusoo baxa ayaa waxa kasoo qeyb galay bulshadda qeybaheeda kala duwan  kuwaas oo ka kala yimid guud ahaan degmooyinka gobolka Banaadir, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka waxaana looga soo horjeedaa qaraxii kooxda argagixisada Al-shabaab ay ku baneesteen dhiigga iyo maalka ummadda Soomaaliyeed.

Mudaaharaadayaasha ayaa sita boorar ay ku muujinayaan sida ay uga xunyahiin qaraxii kooxda Al-shabaab ay  ku dileen dad farabadan oo Sooomaaliyeed 28-kii bishii December sanadkii 2019, qaraxaasi oo ay mas’uuliyadiisa sheegatay Kooxda nabad diidka Al-Shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo kormeer ku sameeyay Ciidamo loo diyaariyay Xuska Todobaadka Xorriyadda

Guddiga Qaranka ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada, oo...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Kulan la Qaatay Wasiir-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Qadar

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war kasoo saartay duqaymo laga fuliyay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...