Dowlada Turkiga oo ballanqaad usameysay qoys waxyeello kasoo gartay qaraxii Ex-koontarool

Date:

Magaaladda Ankara ee dalka Turkiga ayaa lagu aasay Aamina Cabdullaahi Kheyre oo kamid ahayd dadkii dhawacayadu kasoo gareen qaraxii ka dhacay Ex-koontarool  Afgooye.

Wasiirka Caafimaadka dalka Turkiga ayaa ka qaybgalay  aaska loo sameyay marxuumad Aamina Cusmaan Kheyre oo ku geeryootay dalkaasii,isagoo uga tacsiyeya geerida ku timid gabadhooda Aamina,hooyo  Shamso Xasan Abtiidoon oo ahayd hooyada dhashay,   sidoo kale na waxaa u intaas ku daray in u amar ku bixiyay in isbitaalka Digfeer ee ay gacanta ku hayaan dhaqaatiirta u dhashay  dalka Turkiga  ay la tacaalan gabadhooda kale ee waxyeeladu kasoo garaytay islaa Qaraxaasii iyo aabbe Cusmaan Kheyre  oo ku xanuunsanaya magaaladda Muqdisho.

Dhanka kale waxaa u sheegay in ay laqaybsanyaan dhibtaadda kasoo gartay Qaraxii ka dhacay Ex-koontarool , hooyo Shamso iyo qoyskooda.

”Nolosha qoyska si loo maareeyo waxaan shaqo ka siindoona isbitaalka Digfeer  hooyo Shamso Xasan Kheyre, ama gabadheeda kale hadii ay shaqayn karto”. waxaa sidaa yiri wasiirka caafimaadka dalka Turkiga.

Innaa  lilaahi waa innaa ileeyhi raajucun allaah unaxaariisto Aamina Cabdullaahi Kheyre  oo ku geeryootay dalka Turkiga.

   

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha dibadda oo qaabilay Danjiraha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Jabuuti

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Wasaaradda arimaha dibadda JFS oo digniin ka soo saartay warar been abuur ah

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan...