Madaxweynihii Hore Ee Dowladda KMG, C/Qaasim Salaad Oo Ka Tacsiyeeyay Qaraxii Ex-Kontarool

Date:

Mudane, Madaxwaynahii hore ee Soomaaliya Mudane Cabdi-Qaasim Salaad Xasan ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay kana tiiraanyeysan yahay khasaaraha ka dhashay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee 28-kii bishaan December ka dhacay isgoyska Ex-Koontorool Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Mudane C/Qaasim wuxuu xusay in musiibooyinka iyo qaraxyada dalka ka dhacaaya yihiin kuwo horay u soo jiray,isla markaana ay yihiin kuwo dadka Soomaaliyeed ay gacmahooda ku kasbadeen.

Madaxda dowladda Soomaaliya iyo Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay inay gacmaha is qabsadaan si looga baxo dhibaatada dhinac walba ka haysata dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Qaraxii dhowaan ka dhacay isgoyska Ex-koontorool Afgooye ee Magaalada muqdisho ayaa waxaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen in ka badan 80 qof iyadoo ay in ka badan ay ku dhaawacmeen, waxaana mas’uuliyadda qaraxaas sheegatay kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...