Maxaa Laga Fahmi Karaa Sheegashada Al-shabaab Ee Xasuuqii Muqdisho.?

Date:

Maalmo ay maleeshiyada Alshabaab la aamusnaayeen sheegashada Qaraxii ay ku xasuuqeen ku dhawaad 100 qof oo rayid ah waxay qirteen inay masuul ka ahaayeen weerarka.

Cod laga soo duubay Afhayeenka Argagixisada Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage “Cali Dheere” oo la baahiyay ayaa waxaa ka muuqatay sida Argagixisadu ay ugu faraxsantahay daadinta dhiiga Dadka Soomaaliyeed.

Hadaba maxay yihiin Arrimaha ugu waawayn ee laga fahmi karo sheegada Alshabaab.?

-Waxeey qirteen xasuuqa dad biramagayda ah oo u badnaa danyar,

Iyadoo la ogyahay in maleeshiyadaan ay ka  dhuuman jirtay sheegashada xasuuqyadaan oo kale marka ay geystaan sida xasuuq 14 October laakiin maanta waxay marayaan heer ay ku faanaan leenta shacabka.

– Waxay muujiyeen sida ay u banaysteen dhiiga shacabka Soomaaliyeed, waxayna been ka sheegeen ayaadaha Qur’aanka iyo Axaasiis ay si khalad ah ugu qiilsadeen gefkooda.

– waxeey muujiyeen in ay Turkida kula dagalaansanyihiin adeegyada horumarineed ee ku taageerayaan dadka Soomaaliyeed.

Hadaba Maxaa la gudboon shacabka Soomaaliyeed.?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan oo la hadlay Radio Muqdisho  ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahanyahay inay dhexdooda is cafiyaan, sidoo kalana cadowgooda ay hal meel uga soo wada jeestaan.

Sheekh Cali Maxamuud “Sheekh Cali Wajiis” ayaa sheegay in Argagixisada Al-Shabaab haatan ay meeshii ugu danbaysay marayso taas oo keenaysa in shacabka Soomaaliyeed ay ku dhiiradaan inay halmeel ugu soo wada jeestaan dhagartooda.

Sheekha ayaa sheegay in dhaqanka bahalnimada ah ee Al-Shabaab aanan indhaha laga qabsan Karin, haatan wixii ka danbeeyana loo baahanyahay in dowladda iyo Shacabka  ay ka wada shaqeeyaan ka hortaga maleeshiyadaan Diinta ku soo duushay.

“Waxaa ayaan daro ah in maleeshiyadaan ay ku dhiiranayaan inay ku faanaan xasuuqa ku dhowaad 100 Qof oo shacab ah, iyagoo waliba anaan sheegayn inay wax gacan ah siinayaan dadka dhaawacyada ah.” Sidaasi waxaa yiri Aqoonyahan Cabdicasiis Axmed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...