Madaxweynihii Hore Ee Dowladda KMG, C/Qaasim Salaad Oo Ka Tacsiyeeyay Qaraxii Ex-Kontarool

Date:

Mudane, Madaxwaynahii hore ee Soomaaliya Mudane Cabdi-Qaasim Salaad Xasan ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay kana tiiraanyeysan yahay khasaaraha ka dhashay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee 28-kii bishaan December ka dhacay isgoyska Ex-Koontorool Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Mudane C/Qaasim wuxuu xusay in musiibooyinka iyo qaraxyada dalka ka dhacaaya yihiin kuwo horay u soo jiray,isla markaana ay yihiin kuwo dadka Soomaaliyeed ay gacmahooda ku kasbadeen.

Madaxda dowladda Soomaaliya iyo Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay inay gacmaha is qabsadaan si looga baxo dhibaatada dhinac walba ka haysata dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Qaraxii dhowaan ka dhacay isgoyska Ex-koontorool Afgooye ee Magaalada muqdisho ayaa waxaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen in ka badan 80 qof iyadoo ay in ka badan ay ku dhaawacmeen, waxaana mas’uuliyadda qaraxaas sheegatay kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Turkiga u fadhiya Muqdisho

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Shacabka Muqdisho oo soo dhoweeyey qaybinta kaarka codbixinta

Shacabka ku dhaqan gobolka Banaadir ayaa si weyn u...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhigay dib u dayactirka iyo dhismaha 18 xarumo caafimaad

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Muqdisho oo saaka laga bilaabay qaybinta kaarka codbixiyeyaasha

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...