Wasiirka Warfaafinta Oo Ka Warbixiyey Xaalada Dhaawacyada Ee Qaraxa

Date:

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ayaa ka warbixiyey Xaalada Dhaawacyadii Waxyeelada Kasoo gaartay Qaraxii shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo Gurmad ka yimid Dowladda aan walaalaha nahay ee Dalka Turkiga.

Wasiirka ayaa sheegay in ay ku mashquulsanyihiin kala sooco dhaawacyada si deg deg loogu qaado dhaawacyada culus ee aan wadanka Gudihiisa waxba looga qaban Karin.

Wasiir Maareeye ayaa sheegay in ay soo gaartay diyaarad siday dhaqaatiir iyo daawooyin ay soo direen Dowladda aan walaalaha nahay ee dalka Turkiga , isagoo xusay in ay diyaaradaas la socdeen ilaa iyo 24 dhaqtar oo ka qeyb qaadan doono daaweynta dhaawacyada qaraxii shalay.

Wasiirka ayaa Xusay in ay diyaaraddan ay qaadi doonto ilaa Dhowr iyo Toban ruux oo la isleeyahay waxa ay u baahanyihiin isbitaal ka casrisan isbitaalada Magaalada Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir Arrimaha gudaha XFS oo soo dhaweeyay muwaadiniin dib loogu soo celiyay dalka.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Mudane...

Ciidanka Danab oo deegaanka Towfiiq ku qabtay laba dhagar-qabe

Ciidamada Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa...

Soomaaliya oo u Diyaargarowday Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka

Soomaaliya waxa ay si weyn ugu diyaargarowday xuska Maalinta...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Faahfaahiyay Horumarka Geeddi-socodka Doorashada Degmooyinka Banaadir

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS),...