R/Wasaare Kheyre Oo Booqday Xarunta Gurmadka & Isbitaalka Erdoğan “Sawirro”

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa booqday xarunta gurmadka deg-degga ah oo ay ka socoto isku dubba ridka howlaha loogu gurmanayo Dadkii waxyeelladu kasoo gaartay weerarkii Argagaxiso ee Muqdisho ka dhacay Shalay.

Mudane; Khayre, ayaa la kulmay Guddiga gurmadka iyo Dhallinyarada dhanka farsamada kala shaqeyneysa, wuxuuna ka dhageystay warbixin la xariirta howlaha ay wadaan, isagoo kula dardaarmay inay dedaalkooda oo dhan isugu geeyaan in sida ugu dhaqsaha badan dhaawacyada loo daryeelo.

Xarunta gurmadka deg-degga ah ayaa waxaa si habsami leh uga socda dedaallada gurmadka , iyadoo dhaawacyada ay xaaladdoodu aadka u darantahay loo diyaarinayo daryeel Dalka dibeddiisa ah.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqday Isbitaalka Erdoğan oo kamid ah xarumaha caafimaad ee lagula tacaalayo xaaladda caafimaad ee qaar kamid ah dhaawacyada waxyeelladu kasoo gaartay weerarka argagaxiso, waxuuna la kulmay maamulka Isbitaalka oo warbixin ka siiyay xaaladda bukaannada lasoo gaarsiiyay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Tanzania oo horumarinaya iskaashiga ka dhexeeya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Xuska 65-sano guurada xornimada Soomaaliya oo Sucuudiga lagu qabtay

Ergada Soomaaliya ee fadhida Isbahaysiga Ciidamada Wadamada Islaamka ee...

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA QEYBGALAY XUSKA MAALINTA XORIYADDA IYO MIDNIMADA DALKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljirka dahsoon

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...