Shirka Golaha Wasiirrada Oo Lagu Ansixiyay Siyaasadda Dalxiiska Soomaaliya

Date:

Golaha wasiirrada ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxa ay ku meel mariyeen siyaasadda dalxiiska dalka oo ay xukuumadda usoo gudbisay wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska.

Ansixinta siyaasadda kadib, ayaa Shirka golaha oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre waxaa sidoo kale looga hadlay horumarka laga sameeyay sugidda amniga, dhammeystika dastuurka iyo barnaamijka deyn cafinta.

Wasaaradda aminaga oo golaha u soo bandhigtay warbixin amni oo faahfaahsan ayaa caddeysay in tallaabooyin isku xiran oo sanadkan la qaaday ay horseedeen natiijooyin wanaagsan, ayna in ka badan kala bar hoos u dhaceen qaraxyadii argagixisadu ka geysan jirtay geyiga Soomaaliya iyo dhibaatooyikii ay ummadda Soomaaliyeed ugu geysan jireen, marka la barbar dhigo sanadkii 2018.

Guulahan ayey wasaarraddu sheegtay inay ku yimaadeen qorshayaashii tubta amniga iyo caddaaladda oo sidii loogu talagay u higalay iyo wada shaqeynta dhammaan hay’adaha amniga, iyada oo hayadda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka (NISA) ay xogo sirdoon oo ka badan, kana faahfaahsan xogihii hore ay heshay, ayna la fal gashay ciidanka Xoogga iyo kuwa Booliska oo gudaha magaalooyinka iyo howdkaba kula dagaallamay argagixisada.

Wasaaradda arrimaha Dastuurka XFS oo golaha la wadaagtay qorshaha qabyo tirka dastuurka ayaa soo bandhigtay qeybaha uga harsan soo dhameystirka dastuurka iyo caqabadaha ka hor gudban, waxa ayna wasaaraddu rajo wanaagsan ka muujisay soo gebagebeynta shaqada Qabyo-tirka dastuurka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga dalka oo howlgal ka dhacay Gedo ku dilay dhagarqabayaal

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fuliyay howlgal si heer...

Madaxwaynaha Qaranka oo guddoomiyey shirka golaha wasiirada oo arrimo muhiim ah looga hadlay

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Wasiirka Warfaafinta oo bogaadiyay doorka Wakaaladda SONNA xilli ay u dabaaldegayso sanadguuradii 62-aad

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee wasaaradda

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...