Madaxweyne Farmaajo oo meel-mariyey sharciga Maareynta Maaliyadda Guud iyo sharciga Shirkadaha Ganacsiga

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay sharciga Maareynta Maaliyadda Guud iyo sharciga Shirkadaha Ganacsiga oo hagaya qorsheyaasha dowladda ee dib u habeynta dhaqaalaha iyo la dagaallanka musuq-maasuqa.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka dadaalka ay ku bixiyeen sidii loo turxaan bixin lahaa, loona dhammeystiri lahaa sharciyadan oo waxtar weyn u leh hannaanka hufnaanta Maamul iyo xaqiijinta doorka dowladda kaga aaddan qaabeynta ganacsiga iyo dhaqaalaha dalka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tilmaamay in sharciga Shirkadaha Dalku uu si gaar ah u dhiirri gelinayo ganacsiga, shaqo abuurka iyo fursadaha maalgashi ee dalkeenna, dhawrayana xuquuqda hantiyeed ee muwaadiniinta.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey khubarada Soomaaliyeed ee soo diyaarisay sharciyadan iyo mudnaanta ay siiyeen in lagu jaangooyey talo soojeedintii ganacsatada iyo dhaqaalayahannada Soomaaliyeed.

Sharciyada Maareynta Maaliyadda Guud ee dalka iyo Shirkadaha Ganacsiga ayaa ka tarjumaya dadaallada wax-ku oolka ah ee Dowladdu ay ku bixisay sanaddadii la soo dhaafay yareynta musuqmaasuqa, xal u helista caqabadaha haysta ganacsatada Soomaaliyeed iyo xaqiijinta kalsoonida maalgashadeyaasha Caalamiga ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...