Ra’iisul Wasaare Khayre oo Geneva kula kulmay Wasiirka Arrimaha dibedda Sweden

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, mudane; Xasan Cali Khayre,  ayaa Magaalada Geneva ee Dalka Swizerland kulan gaar ah kula qaatay Wasiirka arrimaha dibedda Dalka Sweden, ann christin linde.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Wasiirka arrimaha dibedda Sweden ayaa kulankooda uga wada hadlay barnaamijka deyn cafinta, xoojinta xariirka labada Dowladood iyo taageerada Sweden ee dib-u-kabashada iyo qorshayaasha dib-u-habeynta.

Labada mas’uul auaa hoosta ka wada xarriiqay  in ay jirto baahi weyn oo loo qabo in si dhaqsa ah guul looga gaaro hadafyada ku xeeran barta go’aan gaaridda ee barnaamijka deyn cafinta.

Ra’iisul Wasaaraha Dalka ayaa horay kulan gaar ah ula yeeshay Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xariirka, iskaashiga dhaqaalaha iyo ganacsiga,

Dowladda Sweden ayaa Soomaaliya ka taageertaa barnaamijyada dib-u-kabashada, dib-u-habeynta iyo dib-u-dhiska Dalka.

Kulanka ayaa qeyb ka ah shirar doceedyada uu Ra’iisul Wasaaruhu la qaadanayo qaaar kamid ah madaxda ka qayb galeysa madasha Qaxootiga ee lagu qabtay Magaalada Geneva ee Dalka Swizerland.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo aragtideeda horumarineed ku soo bandhigtay Maalinta Afrika

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale adkeysay doorkeeda ku...

Golaha Wasiirrada Koofur Galbeed oo maanta la dhaariyay

Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa kulan la qaatay golaha xukuumadii hore ee maamulkaas.

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhambaal tacsi ah gaarsiiyey Amiirka Dalka Qadar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo...