Guddiga Farsamada Maamul U Sameynta Galmudug Oo Wada Dhammeystirka Odayaasha Dhaqanka

Date:

Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee xareynta Odayaasha dhaqanka ee soo xulaya Xildhibaannada Barlamaanka dowlad Gobolleedka Galmudug ayaa ka soconta magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

Guddiga farsamada maamul u sameynta Galmudug ayaa dadaal ugu jira sidii loo dhameystiri lahaa odoyaasha dhaqanka ee soo xulaya Xildhibaannada, iyagoo guddiga hoosta ka xariiqay in muddo saddex cisho ah ay u qabteen xalinta ciddii cabasho ka qabta soo xulista odayaasha dhaqanka.

Ilo wareed ku dhow dhow Odayaasha ayaa xaqiijinaya in ay meel gabo gabo ah mareyso xareynta odoyaasha soo xuli doono xildhibaannada ka mid noqonaya Baarlamaanka Dowlad Gobolleedka Galmudug.

Waxaa la dareemayaa xowliga ergada kusii qul qulaysa magaalada Dhuuso-mareeb iyadoo maalinnimadii shalay ay xildhibaanno ka tirsan Goleyaasha Shacabka iyo Aqalka ee dalka ay gaareen magaaladaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Habmaamuuska Qaranka oo Guddoomay Nuqullada Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Brazil

Agaasimaha Habmaamuuska Qaranka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

Hawlgal ka dhacay Hiiraan oo lagu dilay 25 ka tirsan Khawaarijta, iyo afar horjooge oo isku soo dhiibay CXDS

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Saaxiibbada Caalamka, ayaa...

Kulan lagu soo bandhigayay Mashruuca Bulsho oo lagu qabtay magaalada Baydhabo

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Soomaaliya oo aragtideeda horumarineed ku soo bandhigtay Maalinta Afrika

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale adkeysay doorkeeda ku...