Shirka Wakaaladda Wararka Islaamka oo lagu soo geba-gabeeyay Sacuudiga

Date:

Shirkii Isutagga Wakaaladda Wararka Wadamada Islaamka ee UNA ayaa lagu soo gaba-gabeeyay Magaaladda Jeddah ee Caasimaddda Dalka Sacuudi Carabiya.

Shirka oo Laba Maalmood ka socday Jeddah ayaa looga hadlay qodobbo ay ka mid yihiin, fulinta iyo meel marinta siyaasadda Istiraatiijiyadda Wakaaladda Wakaaladda Wararka Wadamada Islaamka ee UNA.

Xoojinta Iskaashiga dhinacyada Khibradaha, ballaarinta shaqaalaha, adeegsiga Teknolojiyadda casriga ah iyo tayaynta wararka Wakaaladda, si looga hortago wararka been-abuurka ah.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, C/raxmaan Yuusuf Cumar (Al-caddaala) iyo Agaasimaha Wakaaladda SONNA, Cali C/qaadir Cali, oo Soomaaliya ugu qeyb-galay shirkaasi ayaa soo dhoweeyay qodobbadii kasoo baxay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wafdi ka kooban labada Aqal ee BFS Kana qayb galaya Shirweynaha 2-aad Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika

Wafdi ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Ayaa Maanta Kormeer Ku Tagay Xaruntii Dhexe ee Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS xildhibaan Cali Yuusuf Cali...