Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka oo kala dhexgalay beelo ku dagaalamay gobolka Mudug

Date:

Mas’uuliyiin ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaliyeed iyo Waxgaradka gobolka Mudug oo ku hawlan daminta xiisado colaadeed oo kasoo cusboonaaday Miyiga gobolka Mudug ayaa sheegay in ay  ku guuleysteen in ay kala dhexgalaan maleeshiyo beeleedka.

Taliyaha Ciidamada Dhulka  S/guuto C/xamiid Maxamed (Dirir) iyo Saraakiisha la socota ayaa kulamo looga arinsanayo sidii loo  joojin lahaa  colaada waxay la qateen Waxgaradka, waxayna ku guuleeysteen in ay kala qaboojiyaan beelahaas dagaalamay,iyaga oo sheegay in ay soo gaba gabeeyn doonaan colaada u dhexeysa beelaha inta ay joogaan gobolka Mudug

Maalmo ka hor ayay ahayd markii maleeshiyo beeleedyo ay ku dagaalameen deegaano hoostaga deegaanka Afbarwaaqo ee gobolka Mudug,waxaana ka dhashay dagaaladaasi Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo  soo kala gaaray maleeshiyaadkii Xoola dhaqatada ahaa ee halkaas ku dagaalamay.

  

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan lagu soo dhaweynayo dhammaystirka Dastuurka dalka oo lagu qabtay Muqdisho

Kulan lagu soo dhoweynayay dhammaystirka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Kismaayo oo u gudubtay wareegga 3-aad ee Tartan cilmiyeedka Ramadaan

Degmada Kismaayo oo ka tirsan Gobolka J/Hoose ayaa u...

Fariinta Madaxweynaha JFS ee Maalinta Haweenka Adduunka

Hambalyo iyo bogaadin ayaan u dirayaa dhammaan haweenka Soomaaliyeed,...

Mas’uuliyiinta Gaashaandhigga XFS oo boogaadiyay kaalinta gabdhaha ee ciidanka xoogga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ay...