Golaha Wasiirrada oo ansixiyay hindise-sharciyeedka difaaca Qaranka Soomaaliyeed

Date:

Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa Maanta kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxa ay ku meel mariyeen hindise-sharciyeedka difaaca Qaranka Dalka oo Golaha usoo gudbisay Wasaaradda difaaca.

Shirka ayaa sidoo kale lagu ansixiyay xeerka cafiska Dadka Dowladda isku soo dhiiba, xeerka hey’adaha aan Dowliga ahayn iyo siyaasadda shaqo abuurka Qaranka oo ay soo diyaariyeen Wasaaradaha qorsheynta iyo shaqada.

Golaha ayaa soo dhoweeyay heshiiska Dowladda Federaalka iyo AHSWJ ka gaareen dhismaha Galmudug loo dhanyahay, waxaana Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, oo Guddoominayay shirka uu bogaadiyay tanaasulka ay sameeyeen dhinacyada Galmudug.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa amray Guddiga gurmadka Fatahaadaha in ay wax ka qabtaan xaaladda Afgooye iyo qeybo ka mid ah Gobolka bari oo ay daadadku saameeyeen.

Shirka intii uu socday ayaa taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxa uu Golaha Wasiirrada warbixin faah-faahsan ka siiyay weerarkii Hotelka SYL ay ku qaadeen Argagixisadu.

Golaha wasiirrada ayaa bogaadiyay dedaalka laamaha amniga iyo tallaabooyinkii geesi-nimada lahaa ee ay Ciidamdu ku badbaadiyeen Dadka Shacabka ah.

   

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...