Raโ€™iisul Wasaare Khayre oo Soo dhoweeyay heshiiska laga gaaray arrimaha Galmudug

Date:

Raโ€™iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane, Xasan Cali Kheyre, ayaa soo dhoweeyay heshiiska dhex maray Dowladda Federaalka iyo Ahlu Sunna Wal-Jamaaca (AWSJ).

Heshiiska oo ku yimid wada hadal dheer oo dhexmaray Dowladda Fedaraalka iyo ASWJ oo ay Gacan ka gaysteen dhamaan qaybaha kala duwan ee Bulshada ayaa waxa uu saldhig u yahay Galmudug midaysan oo loo wada dhan yahay.

Raโ€™iisul Wasaaraha waxa uu ugu baaqay dhamaan Dadka Soomaaliyeed gaar ahaan reer Galmudug in ay kawada shaqeeyaan sidii loo dhisi lahaa maamul u adeega Shacabka reer Galmudug.

Sidoo kale waxa uu ugu baaqay dhammaan Bulshada reer Galmudug in ay muujiyaan dulqaad iyo isu tanaasul Gacannna ka gaystaan hirgelinta heshiiskan.

Mudane, Xasan Cali Kheyre, Raโ€™iisul wasaaraha Dalka ayaaย  uga mahad celiyay ASWJ dedaalka ay muujiyeen si loo gaaro heshiiskan.

Ugu dambayntii waxa uu u mahad celiyay cid walba oo Soomaaliyeed oo Gacan ka gaysatay heshiiskan iyo xubnaha Beesha Caalamka oo mar walba Garab taagan Shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hayโ€™adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dishay xubno ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya...

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka...

Duqa Muqdisho oo Degamda Kaaraan maanta ka qaatay kaarka diiwaangelinta doorashada qof iyo codka ah

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen...