Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay Waddada isku xirta degmooyinka Shingaani iyo Xamar Jajab

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa maanta dhagax dhigay waddada isku xirto degmooyinka Xamar Jajab iyo Shingaani.

Dhismaha Waddadaan oo ah mid muhiim u ah isku socodka gaadiidka ayaa waxey ka soo bilaabataa Dekadda Muqdisho ilaa dhismihii Wakaaladda Madbacadda Qaranka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay dhismaha waddooyinka burbursan ee Magaalada Muqdisho.

Dhagax dhigga waddadaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir,mudane, Ibraahim Cumar Mahad Alle (Ibraahim Dheere),qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Xiriiriyaha guud ee Gobolka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo u hambalyeeyay masuuliyiinta la doortay ee Guddiga Xuquuqul Insaanka Soomaaliya

Muqdisho, Febaraayo, 04,2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan...

Ra’iisul Wasaarihii hore Cali Maxamed Geedi oo hambalyo u diray xubnaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Geedi,...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Xarun Waxbarasho oo laga hirgeliyay Garasbaalley

Muqdisho, Febraayo 04, 2026: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna...

Soomaaliya iyo Aljeeriya oo ku tallaabsanaya dhismaha guddi saaxiibtinimo oo Baarlamaan

Danjiraha Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Aljeeriya, Danjire...