Caruur ku geeriyootay deegaanka Aato ee gobolka Bakool

Date:

Ilaa 7-da caruur ah ayaa la sheegayaa in cuddurka shuban biyoodka uga dhinteen deegaanka Caato oo ka tirsan gobolka Bakool mudo 48 saacadood gudohood ah.

Waxaa geerida  7-da caruurta ah inoo xaqiijiyey Guddoomiyaha deegaanka Aato Dubad Xasan Cali oo wareysi dhanka khadka telefoonka ah layeelanay isagoo ku sugan deegaanka Caato ee gobolka Bakool oo dhibaatadu ka dhacday.

Dhinaca kale kusimaha Guddoomiyaha gobolka Bakool Cabdullaahi Maxamed Nuur (Snake) ayaa sheegay in cudurka shuban biyoodka ka dilaacay deegaano badan oo katirsan gobolka Bakool.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay jiraan dad u dhintay iyo dad badan oo uu soo ritay wuxuna baaq u diray Dowlada Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradaha ay khuseyso iyo hay’adaha Samafalka.

Deegaanada qaarkood oo shuban biyoodku ka dilaacay ayaa lasoo sheegayaa in xaalada dadka aad u liidato ka hortaguna uu waad u yar yahay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...