Soomaaliya iyo Sweden oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo xiriirka labada Dal

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga , Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, heshiis is-afgarad la saxiixaday Akadeemiyadda Folke Bernadotte Academy (FBA) iyadoo ay goob-joog ka ahaayeen Safiirka Sweden ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Staffan Tillander, diblomaasiyiin Soomaali iyo Sweden.
Agaasimaha guud ee FBA Mudane Sven-Eric Söder ayaa sheegay in heshiiskan sare loogu qaadayo  wada shaqeynta, xiriirka  u dhexeeya labada dal ee saaxiibada ah.
Heshiiskan ayaa waxa uu ka qeyb ka yahay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan ee  labada dal, kaasi oo ka tarjumaya sidii  hore loogu dhaqaajin laha xiriirka iyo iskaashiga laba dhinac ee Soomaaliyaa iyo Sweden .
Heshiiska ayaa qeexayaa in Akadeemiyadda loo yaqaan Folke Bernadotte Academy (FBA) ay ku qabato dalka Soomaaliya tababarro iyo barnaamijyo cilmi-baaris , iyadoo ka wakiil ah Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sweden, waxaana tababarada laa siin doona shaqaalaha kala duwan ee hey’adaha dowladda Soomaaliyaa.
 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Waraaqaha Aqoonsiga Danjiraha Cusub ee Dalka Aljeeriya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo furay Shirka Guddiga Qaranka ee Fududeynta Ganacsiga (NTFC)

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

Madaxweyne Xasan Sheekh: “Soomaaliya go’aannadeeda siyaasadeed laguma gaari karo dibadda.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo...

Soomaaliya oo tacsi u dirtay Dowladda iyo Shacabka Aljeeriya

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa...