Soomaaliya iyo Sweden oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo xiriirka labada Dal

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga , Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, heshiis is-afgarad la saxiixaday Akadeemiyadda Folke Bernadotte Academy (FBA) iyadoo ay goob-joog ka ahaayeen Safiirka Sweden ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Staffan Tillander, diblomaasiyiin Soomaali iyo Sweden.
Agaasimaha guud ee FBA Mudane Sven-Eric Söder ayaa sheegay in heshiiskan sare loogu qaadayo  wada shaqeynta, xiriirka  u dhexeeya labada dal ee saaxiibada ah.
Heshiiskan ayaa waxa uu ka qeyb ka yahay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan ee  labada dal, kaasi oo ka tarjumaya sidii  hore loogu dhaqaajin laha xiriirka iyo iskaashiga laba dhinac ee Soomaaliyaa iyo Sweden .
Heshiiska ayaa qeexayaa in Akadeemiyadda loo yaqaan Folke Bernadotte Academy (FBA) ay ku qabato dalka Soomaaliya tababarro iyo barnaamijyo cilmi-baaris , iyadoo ka wakiil ah Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sweden, waxaana tababarada laa siin doona shaqaalaha kala duwan ee hey’adaha dowladda Soomaaliyaa.
 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Qaran ee Taageerada la-dagaallanka khawaarijta oo booqday Isbitaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Soomaaliya oo ka qeyb-gashay Shirka geeddi socodka Khartoum oo lagu qabtay Qaahira

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga XFS, Mudane Danjire...

Wasiirka Beeraha Soomaaliya oo furay kulan looga hadlayo kobcinta wax soosaarka dalka

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xil....

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...