R/wasaare Kheyre oo sheegay in muddo labo bil ah lagu soo gaba-gabeeyn doono Waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye

Date:

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,(XFS) mudane, Xasan Cali kheyre ayaa sheegay in Waddada u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye lagu soo gaba- gabeeyn doono muddo laba bil ah.

Ra,iisul wasaare Kheyre ayaa tilmaamay in Argagaxisadu ay isku dayday in ay joojiso dhismaha ka socda Waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, isla markaana Ciidamada Qalabka sida ay fashiliyeen isku day weeraro ay maleeshiyadu ku soo qaaday Injineerada ku howlan dhismaha Waddada.

Maleeshiyada Al-shabaab ayaan ogoleen horumarinta dalka iyagoo kasoo horjeeda dib u dhiska dalka, waxaa uuna Ra’iisul wasaaruhu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay meel uga soo wada jeestaan argagaxisada si looga guuleysto.

Wadadaan ayaa ah mid muhiim u ah isku socodka Gaadiidka iskaga kala goosha Muqdisho iyo Gobolada dalka, waxeyna kordhinaysaa kobaca dhaqaalaha dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Jaamacadda Ummadda iyo Jaamacadda Ruwaanda oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo dhinacyada waxbarashada

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) iyo Jaamacadda Ruwaanda (University of...

TALIYAHA CIIDANKA XDS OO SHIR GUDDOOMIYAY SHIRKA SUBAXLAHA EE TALISKA GUUD EE CIIDANKA

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed...

Safiirka JFS ee Dalka Liibiya oo laga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Liibiya, Mudane Cabdifataax...

Madaxweynaha Hirshabeelle oo Jowhar Casho Sharaf ugu Sameeyay Saxafiyiinta iyo Hobollada Qaranka Waaberi

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe),...