Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo Brussels wada-hadallo kula leh madaxda ururka Midowga Yurub.

Date:

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliye, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa oo ku sugan magaalada Brussels ee xarunta Midowga Yurub ayaa halkaasi kula kulmaya mas’uuliyiin ka tirsan ururka Midowga Yurub.

Wasiir Sadiiq, ayaa ugu horreynba la kulmay madaxa Midowga Yurub ee Bariga-Afrika, Hans Stausbol. Kullanka waxaa si qoto dheer looga hadlay Shaqada, Xuquuqda Shaqaalaha, Daryeelka Bulshada iyo Dib-u-habeeynta Shaqaalaha Rayidka.

“Inta uu kullanka socday waxaan si aad ah u caddeeyay ajandahayaga ,waxaana codsaday in Midowga Yurub door taageerro ku yeesho dadaallada aan ku dooneyno dib u habeynta shaqaalaha iyo shaqo abuurka.” ayuu yiri wasiir Warfaa oo Midowga Yurub ku ammaanay taageerada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Madaxa Midowga Yurub ee Bariga-Afrika, Hans Stausbol – wuxuu muujiyay inta uu kullanka socday sida ururka ugu qanacsanyahay dadaallada socda ee dib u habeynta shaqaalaha iyo Daryeelka Bulshada, wuxuu markaa caddeeyay Midowga Yurub inuu garab taaganyahay qorshaha lagu dhimayo shaqo la’aanta, fursadaha shaqadana ay ku helayaan ‘kuwa ugu muhiimsan’.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, ayaa dadaal ku bixinaya xal u helida shaqo la’aanta iyo daryeelka bulshada,waxaana muddada uu ku suganyahay Brussels uu la kulmi doonaa mas’uuliyiinta Belgium, Midowga Yurub iyo hay’adaha caalamiga ah oo arrimahaa uu kula hadlayo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray dib u-dhis lagu sameeyay Dugsiga Waxaracadde

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya

Maanta oo ah 12-ka Oktoobar waxay ku beeggan tahay...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kulan la qaatay madax iyo siyaasiin heer qaran ah

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo Guddi Xildhibaano ah magacaabay

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...