Shirka Horumarka Dhallinyarada Soomaaliyeed Oo Muqdisho Ka Furmay

Date:

Shirkan oo ay ay Ka qeyb galayaan dhallinyaro laga keenay Gudaha dalka oo Soomaaliyeed ayaa waxaa soo qaban-qaabisay Wasaaradda Dhallinyarada Iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Shirkan oo ah mid sanadle ah ayaa looga hadlaa caqabadaha iyo Horumarka Dhalinyarada Soomaaliyeed oo waqtigan wajahaya daruufo kala gedisan kuwaasi oo isagu jira dhinaca Nolosha, Waxbarashada, caafimaadka iyo shaqo abuurka iyadoo shirkan diiradda lagu saarayo sidii xal loogu heli lahaa.

Xalay ayay Ahayd markii ay Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo ah Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya ay u sameysay munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo casho sharaf ah taasoo lagu soo dhoweeynayay dhalinyarada ka qeyb galaysa shirweynahan oo cadeyn u ah kaalinta ay dhalinyaradu kaga jiraan arrimaha siyaasadda, maadaama ay yihin laf-dhabarka dalka ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxda dalka oo halkaasi Kalmado dardaaran iyo bogaadin u jeedin doona dhalinyarada ka qeyb galaysa shirweynaha sanadkan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...