Duqa Muqdisho Oo faray D/Hoose In Loo Istaago Xal U Helidda Dhibaatooyinkii Ka Dhashay Roobabka

Date:

Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) Oo kormeeray xaafadaha ay sameeyeen roobabkii ka da’ay Caasimadda ayaa faray laamaha Dowladda Hoose iyo waaxyaaha gurmadka degdegga ah in ay u istaagaan xal u helidda saameynta fatahaadaha ka dhashay roobabka ka da’ay Muqdisho oo sababay dhibaatooyin isagu jira burbur guryo iyo mid beni’aadannimo.

Guddoomiyaha iyo xubno kale oo la socday ayaa kormeeray degmooyinka Boondheere, Shangaani, Xamar-weyne, Wadajir, Xamar Jajab iyo is-goyska nambar afar, isagoo si gaar ah uga qeybgalay samata bixinta qoys uu gurigii ay kunoolaayeen uu roobka soo dumiyay.

Guddoomiye Cumar Filish oo dhageystay  xaaladda dhinaca nolosha ee bulshada ku dhaqan qaar kamid ah degmooyinka uu Guddoomiyuhu kormeeray ayaa sheegy sida ay uga go’an tahay Maamulka Gobolka Banaadir in ay ka shaqeeyaan yareynta xaaladda beni’aadannimo  ee soo food-saartay dadka danyarta ah oo u badan barakacayaasha.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha ayaa amray in la dardar geliyo howlaha faya-dhowrka caasimadda, deg-degna ay howl-wadeennada Dowladda Hoose uga shaqeeyeen sidii loo furi lahaa marinnada halbowlaha u ah isu socodka bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladda iyo mucaaradka oo ku heshiiyey qodobo muhiim ah

Iyadoo la tixgelinayo muhiimadda midnimada qaran, xasilloonida siyaasadeed, iyo...

Masar oo ciidamo u soo diraysa Soomaaliya

Wasaaradda Gaashaandhiggu waxay soo dhoweyneysaa guusha lagu soo gabagabeeyay...

Duqa Muqdisho oo magacaabay Guddoomiyaha Degmada Daarusalaam ee Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Gudaha oo kormeer ku tagay xarunta dhexe ee Wasaaradda oo uu dib-u-dhis ballaaran ka socdo

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda...