Wafdi Uu Hoggaaminayo Wasiirka Warfaafinta XFS Oo Gaaray Magaalada Milano Ee Talyaaniga

Date:

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa gaaray magaalada Milaano ee dalka Talyaaniga halkaasi oo Wafdiga wasiirka uu horkacayo ay uga qeyb galayaan shir labo maalin socon doona oo diiradda lagu saarayo ganacsiga dalxiiska oo ay martigelisay dowladda Talyaaniga.

Wafdiga wasiirka ayaa la filayaa in ay shirar gooni gooni ah la yeeshaan madaxda ka qeyb galaysa shirka iyagoona halkaasi ku soo bandhigi doona fursadaha xagga ganacsiga dalxiiska ee  ka jira dalkeena Soomaaliya.

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Fedeaalka Soomaaliya ayaa waddo dadaalo lagu horumarinayo Ganacsiga Dalxiiska.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa waxaa ku wehlinaya safarka xubno uu ka mid yahay agaasimaha waaxda dalxiiska ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya.

Shirkan ayaa ahmiyad gaar ah u leh Soomaaliya maadaama Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa ku howlan sidii horumar ballaaran looga sameeyn lahaa fursadaha dhanka ganacsiga dalxiiska ee dalkeena Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir soo jireen ah oo isagu jira dhaqan dhaqaale, saaxiibtinimo iyo mid diplomaasiyadeed oo qoto dheer.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...