Wafdi Uu Hoggaaminayo Wasiirka Warfaafinta XFS Oo Gaaray Magaalada Milano Ee Talyaaniga

Date:

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa gaaray magaalada Milaano ee dalka Talyaaniga halkaasi oo Wafdiga wasiirka uu horkacayo ay uga qeyb galayaan shir labo maalin socon doona oo diiradda lagu saarayo ganacsiga dalxiiska oo ay martigelisay dowladda Talyaaniga.

Wafdiga wasiirka ayaa la filayaa in ay shirar gooni gooni ah la yeeshaan madaxda ka qeyb galaysa shirka iyagoona halkaasi ku soo bandhigi doona fursadaha xagga ganacsiga dalxiiska ee  ka jira dalkeena Soomaaliya.

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Fedeaalka Soomaaliya ayaa waddo dadaalo lagu horumarinayo Ganacsiga Dalxiiska.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa waxaa ku wehlinaya safarka xubno uu ka mid yahay agaasimaha waaxda dalxiiska ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya.

Shirkan ayaa ahmiyad gaar ah u leh Soomaaliya maadaama Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa ku howlan sidii horumar ballaaran looga sameeyn lahaa fursadaha dhanka ganacsiga dalxiiska ee dalkeena Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir soo jireen ah oo isagu jira dhaqan dhaqaale, saaxiibtinimo iyo mid diplomaasiyadeed oo qoto dheer.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....