Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada oo kormeer qiimeyn ah ku sameeyay qaar ka mid ah Dugsiyada gobolka Banaadir

Date:

Wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta  si rasmi ah ugu bilowday gobalka Banaadir Kormeer guud oo ku saabsan qiimeyn lagu sameynayo dhammaan dugsiyada ku yaala gobalka.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxabarshada Hiddaha iyo tacliinta Sare  xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri oo ay wehliyaan Agaasimaha Guud ee wasaaradda waxbarashada,iyo Guddoomiye ku-xigeynka dhanka arimaha bulshada maamulka gobalka Banaadir ayaa Kormeer ku tagay qeybo kamid ah dugsiyada gobalka Banaadir.

Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada ayaa maamulayaasha iyo macallimiinta su’aalo ka weydiiyay tayada waxbarashada ardayda iyo habka ay wax u barayaan.

Kormeerka ayaa lagu qiimeynay maamulayaasha,tababarka,macalimiinta  iyo agabka dugsiyada,tirade ardayda iyo tayada waxbarashada waxaana sameynayay kormeerka dad loo tababaray qiimeynta kormeerka islamarkaana qibrad uleh soo gudbinta xogta dugsiyada.

Guddoomiye ku-xigeenka dhanka arrimaha Bulshada maamulka gobalka Banaadir Basma Caamir ayaa sheegtay in wasaaradda waxbarashada iyo maamulka gobalka Banaadir ay si wada jir ah ugu shaqeynayaan Horumarinta waxbarashada ardayda Soomaaliyeed.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare Axmed Yuusuf Xasan ayaa kormeerayaasha kula dar daarmay in waajibkooda ay ka soo baxaan.

Wasiiru Dowlaha wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in wasaaradda waxbarashada muhiimadda Koowaad ay siineyso islamarkaana qiimeeyn lagu sameynayo tababarka macalimiinta,agabka dugsiyada,tirade ardayda iyo tayada waxbarashada iyo manhajka ay diyaarisay wasaaradda waxbarashada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hawlgal ka dhan ah Khawaarijta oo Shabeelaha hoose laga fuliyey

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay...

Wasiirka Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka oo kulammo doceedyo la yeelatay Madax kala duwan

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Jamhuuriyadda...

Wasiirka Qorsheynta oo ka hadlay shirka Heer Wasiir ee Golaha Dhaqaalaha (ECOSOC)

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka...

Safiirka Soomaaliya oo tacsi u tegay Safaaradda Qatar ee New Delhi

New Delhi-Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Hindiya, Dr....