Masโ€™uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada oo kormeer qiimeyn ah ku sameeyay qaar ka mid ah Dugsiyada gobolka Banaadir

Date:

Wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maantaย  si rasmi ah ugu bilowday gobalka Banaadir Kormeer guud oo ku saabsan qiimeyn lagu sameynayo dhammaan dugsiyada ku yaala gobalka.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxabarshada Hiddaha iyo tacliinta Sareย  xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri oo ay wehliyaan Agaasimaha Guud ee wasaaradda waxbarashada,iyo Guddoomiye ku-xigeynka dhanka arimaha bulshada maamulka gobalka Banaadir ayaa Kormeer ku tagay qeybo kamid ah dugsiyada gobalka Banaadir.

Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada ayaa maamulayaasha iyo macallimiinta suโ€™aalo ka weydiiyay tayada waxbarashada ardayda iyo habka ay wax u barayaan.

Kormeerka ayaa lagu qiimeynay maamulayaasha,tababarka,macalimiintaย  iyo agabka dugsiyada,tirade ardayda iyo tayada waxbarashada waxaana sameynayay kormeerka dad loo tababaray qiimeynta kormeerka islamarkaana qibrad uleh soo gudbinta xogta dugsiyada.

Guddoomiye ku-xigeenka dhanka arrimaha Bulshada maamulka gobalka Banaadir Basma Caamir ayaa sheegtay in wasaaradda waxbarashada iyo maamulka gobalka Banaadir ay si wada jir ah ugu shaqeynayaan Horumarinta waxbarashada ardayda Soomaaliyeed.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare Axmed Yuusuf Xasan ayaa kormeerayaasha kula dar daarmay in waajibkooda ay ka soo baxaan.

Wasiiru Dowlaha wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in wasaaradda waxbarashada muhiimadda Koowaad ay siineyso islamarkaana qiimeeyn lagu sameynayo tababarka macalimiinta,agabka dugsiyada,tirade ardayda iyo tayada waxbarashada iyo manhajka ay diyaarisay wasaaradda waxbarashada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xildhibaan Cumar Cali Isaaq oo loo doortay xubin ka tirsan Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay dib-u-dhiska xarunta Degmada Shingaani

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed...

Wasiirka Qoyska oo kulan la qaadatay dhiggeeda dalka Qadar

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS ayaa...