Wasiir Maareeye iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo u amba-baxay dalka Talyaaniga

Date:

SNTV:- Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir “ Maareeye” ayaa maanta u ambabaxay dalka Talyaaniga.

Wasiirka iyo Wafdiga uu hoggaaminayo ayaa magaalada Milaano ee dalka Talyaaniga kaga qeyb galaya shir ku saabsan Ganacsiga Dalxiiska,kaasi oo mudo labo maalin ah socon doona.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa safarka uu ku aaday dalka Talyaaniga waxaa ku wehlinaya xubno uu ka mid yahay agaasimaha waaxda dalxiiska ee Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir soo jireen ah oo ku saleysan dhaqan dhaqaale iyo xiriir saaxiibtnimo oo qoto dheer.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...