Wasiir Maareeye iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo u amba-baxay dalka Talyaaniga

Date:

SNTV:- Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir “ Maareeye” ayaa maanta u ambabaxay dalka Talyaaniga.

Wasiirka iyo Wafdiga uu hoggaaminayo ayaa magaalada Milaano ee dalka Talyaaniga kaga qeyb galaya shir ku saabsan Ganacsiga Dalxiiska,kaasi oo mudo labo maalin ah socon doona.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa safarka uu ku aaday dalka Talyaaniga waxaa ku wehlinaya xubno uu ka mid yahay agaasimaha waaxda dalxiiska ee Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir soo jireen ah oo ku saleysan dhaqan dhaqaale iyo xiriir saaxiibtnimo oo qoto dheer.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....