Duqa Muqdisho oo bogaadiyey Culimada Soomaaliyeed sida ay uga qayb qateen gurmadkii Fataahada Baladweyne

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa ka qayb galay soo gootin ah  oo loo sameeyey xubnaha isxilqaameyaasha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kenya ee uu hoggaaminayiyey Sheekh Maxamed Cabdi Umal, kuwaas oo soo gaarsiiyey dalka deeqda ay kaga qeyb qaadanayeen gurmadkii loo fidiyay dadka soomaaliyeed ee dhibaatada ka soo gaartay roobabkii iyo fatahaadahii ku dhuftay qaybo ka mida dalka.

Munaasabaddan oo ay goobjoogayaal ka ahaayeen  wasiiro, xildhibaanno , culima udiin, iyo waxgarad kale, waxa uu Guddoomiyuhu ugu horeyntii ka codsaday  qaybaha culimada in ay sii dardar geliyaan doorkooda muuqda ee wacyi gelinta bulshada, ilaalinta midnimada iyo la dagaallanka fikirka gurracan ee argagixisada.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa ku bogaadiyey xubnaha wafdigaan, gaar ahaan Sheekh Maxamed Cabdi Umal doorka hoggaamineed ee uu ka qaatay sidii Jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya ay gacan muuqata uga geysan lahaayeen howlahii gurmadka.

Duqa Muqdisho ayaa la wadaagay culimada Soomaaliyeed sida Maamulka Caasimadda ay uga go’an tahay in ay garabsadaan oo kaalin hormuudnimo ay ka siiyaan barnaamijyada wacyi gelinta, dariseynta iyo dib u heshiinta, asigoo ugu danbayntii faray culimada soomaaliyeed in ay horseed u noqdaan xaqiijinta bulsho mideysan oo u jiheysan dhanka horumarka iyo wax wada qabsiga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Kulan ku saabsan u-diyaargarowga iyo ka hortagga cudurka Ebola oo ka furmay Muqdisho

Waxaa goor dhow ka furmay Xarunta Qaran ee Howl-gallada...

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga gobolka Bay

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Xarigga ka jaray xarunta Cusub ee Degmada Shangaani

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....