Duqa Muqdisho oo bogaadiyey Culimada Soomaaliyeed sida ay uga qayb qateen gurmadkii Fataahada Baladweyne

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa ka qayb galay soo gootin ah  oo loo sameeyey xubnaha isxilqaameyaasha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kenya ee uu hoggaaminayiyey Sheekh Maxamed Cabdi Umal, kuwaas oo soo gaarsiiyey dalka deeqda ay kaga qeyb qaadanayeen gurmadkii loo fidiyay dadka soomaaliyeed ee dhibaatada ka soo gaartay roobabkii iyo fatahaadahii ku dhuftay qaybo ka mida dalka.

Munaasabaddan oo ay goobjoogayaal ka ahaayeen  wasiiro, xildhibaanno , culima udiin, iyo waxgarad kale, waxa uu Guddoomiyuhu ugu horeyntii ka codsaday  qaybaha culimada in ay sii dardar geliyaan doorkooda muuqda ee wacyi gelinta bulshada, ilaalinta midnimada iyo la dagaallanka fikirka gurracan ee argagixisada.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa ku bogaadiyey xubnaha wafdigaan, gaar ahaan Sheekh Maxamed Cabdi Umal doorka hoggaamineed ee uu ka qaatay sidii Jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya ay gacan muuqata uga geysan lahaayeen howlahii gurmadka.

Duqa Muqdisho ayaa la wadaagay culimada Soomaaliyeed sida Maamulka Caasimadda ay uga go’an tahay in ay garabsadaan oo kaalin hormuudnimo ay ka siiyaan barnaamijyada wacyi gelinta, dariseynta iyo dib u heshiinta, asigoo ugu danbayntii faray culimada soomaaliyeed in ay horseed u noqdaan xaqiijinta bulsho mideysan oo u jiheysan dhanka horumarka iyo wax wada qabsiga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Nuqullo ka Guddoomay Waraaqaha Aqoonsiga Danjirenimo ee Safiirrada Dalal kala Duwan.

Wasiirka Arrimaha Dibada iyo iskaashiga Caalamiga XFS Mudane Cabdisalam...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka qeyb-galay Shir lagu horumarinayo dhaqaalaha Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige,...

Dowladda Jarmalka oo si Buuxda u Aqoonsatay Baasaboorka Diblomaasiga Soomaaliya.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa...