Roobab Muqdisho Xalay Ka Da’ay & Masuuliyiinta Gobolka Banaadir Oo Tagay Meelaha Ugu Daran “Sawirro”

Date:

Masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir ayaa xalay kormeer ku tagay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho gaar ahaan meelaha Biyaha roobka fariisteen.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa sheegay in u kuur galayeen xaaladaha qaar kamid ah xaafadaha magaalada.

“Waxaan ku jirnaa kormeer aan ugu kuurgalayno xaalada iyo saamaynta ay yeesheen roobabkii saacadihii u dambeeyay ka da’ayay magaalada iyadoo uu wali socdo roobkii lana fili karo waaberiga ilaa beri inuu gaaro”. sidaas waxaa yiri gudoomiye Tuulax

“Maamulka gobolka Banaadir waxaa uu u soo jeedi doonaa caawa sidii uu gurmad ugu fidin lahaa hadii uu saameyn ku yeesho shacabka danyarta ah ee ku dhaqan magaalada”.

xalay illaa shalay galab magaalada Muqdisho waxaa ka da’ay roob saacado badan socday kaas oo sababay in dadka danyarta ah qaarkood goobihii ay daganaayeen isaga baxaan kadib daadad saameeyey.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee Shiinaha oo la kulantay howlwadeeno ka tirsan DF

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo Qaabishay Saraakiil Dowladeed ayaa...

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas...

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay Jaamacadda Turkiye ee Ostim Teknik

U qeybsanaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee...

Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)

Qormadaani waxa aan si qoto dheer ah ugu hadli...