Howl-wadeenada Xafiiska Garyaqaanada oo Tababar loogu soo xiray Muqdisho

Date:

Tababar sare loogu qadayay aqoonta garyaqaanada ka hawl galah  xafiiska garyaqaanka guud  ayaa socday mudo labo maalin ah.

Howl-wadeenno ka  tirsan Xafiisyada  Xeer-ilaalinta Qaranka, Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Dastuurka, Maamulka Gobolka Banadir,  Bulshada Raydika ah iyo qaar ka mid ah Jamacadaha Mogadishu ayaa k qayb galay tababarka .

Tababarkaan ayaa ahaa mid baahi badan loo qabo iyo wada shaqeynta hey’adaha Sharciga ee dalka iyo  dardar-galinta tababarro sidaan oo kale ah oo loo qabto howl-wadeennada kala duwan ee bahda Cadaaladda iyo qeybaha bulshada Somaliyeed.

Wasiirka Cadaaladda Avv.Xasan Xuseen Xaaji, oo tababarka soo xiray ayaa sheegay inay muhiim tahay in sharci kasta la waafajiyo Dastuurka dalka, si sharuucda dalka iyo Dastuurka KMG ah aysan iskaga hor imaan, lana helo sharuuc iyo Dastuur Isla jaan-qaadi kara oo ka hirgala dalka heer Fadaraal iyo heer dowlad goboleed. wasiirku wuxuu kula  dardaarmay xubnaha qaatay Tababarkan in ay si daacadnimo iyo hufnaan leh ugu shaqeeyan dalkooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Pakistaan oo ka wada hadlay Xoojinta Xiriirka labada dal

Intii uu socday Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Wasiirrada Arrimaha...

Waddooyinka Muqdisho oo si casri ah loo dhisayo

Guddoomiye Ku-xigeenka Hawlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane...

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed ayaa Magaalada Baydhabo kulan kula qaatay Madaxa Hay’adda IFAD ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Soomaaliya iyo Pakistaan oo ka wada hadlay Xoojinta Xiriirka labada dal

Intii uu socday Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Wasiirrada Arrimaha...