Maamulka Degmada Jalalaqsi oo ku baaqay in gurmad deg deg ah lala soo gaaro.

Date:

Maamulka Degmada Jalalaqsi ayaa sheegay in ay xaalad adag oo dhanka nolosha ah ay ka taagantahay Degmada, maadaama ay saameyn ku yeelatay fatahaadda webiga Shabeelle.

Gudoomiyaha Degmada Jalalaqsi Maxamed Nuur Dabaashe oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay inay dib u habeyn ku seemeeyn garoonka diyaaradaha ee magaalada, maadaama gurmad dhanka dhulka ah lala soo gaari karin magaaalda, isagoo ku baaqay in shacabka kaalmo deg deg ah lala soo gaaro, maadaama fatahaadda webiga Shabeelle ay saameysay nolosha dadka deegaanka.

“Magaalada wey kala xirantahay muddo 15 cisho ka badan ayay kala xirantahay, hadda wax gaadiid ah oo gurmad wada ma soo geli karaan, anaga iyo ciidamada AMISOM ayaa ka shaqeynay inaan sameyno garoon diyaaradeed oo caalami ah, si gurmad loogu fidiyo shacabka magaalada ku nool, runtii webiga Shabeelle ayaa saameyn ku yeeshay magaalada, maadaama tuulooyinka ku teedsan uu ku fatahay biyaha webiga” ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Jalalaqsi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...