Maamulka Degmada Jalalaqsi oo ku baaqay in gurmad deg deg ah lala soo gaaro.

Date:

Maamulka Degmada Jalalaqsi ayaa sheegay in ay xaalad adag oo dhanka nolosha ah ay ka taagantahay Degmada, maadaama ay saameyn ku yeelatay fatahaadda webiga Shabeelle.

Gudoomiyaha Degmada Jalalaqsi Maxamed Nuur Dabaashe oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay inay dib u habeyn ku seemeeyn garoonka diyaaradaha ee magaalada, maadaama gurmad dhanka dhulka ah lala soo gaari karin magaaalda, isagoo ku baaqay in shacabka kaalmo deg deg ah lala soo gaaro, maadaama fatahaadda webiga Shabeelle ay saameysay nolosha dadka deegaanka.

โ€œMagaalada wey kala xirantahay muddo 15 cisho ka badan ayay kala xirantahay, hadda wax gaadiid ah oo gurmad wada ma soo geli karaan, anaga iyo ciidamada AMISOM ayaa ka shaqeynay inaan sameyno garoon diyaaradeed oo caalami ah, si gurmad loogu fidiyo shacabka magaalada ku nool, runtii webiga Shabeelle ayaa saameyn ku yeeshay magaalada, maadaama tuulooyinka ku teedsan uu ku fatahay biyaha webigaโ€ ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Jalalaqsi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale