Mareykanka oo Haftar ugu baaqay in uu joojiyo dagaalada uu ka wado duleedka Tripoli.

Date:

Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday ciidamada Qaranka dalka Liibiya in ay joojiyaan dagaalada hujuuumka ah ee ay ku qaadayaan magalaada caasimadda ah ee Tripoli .

Hadaladaasi ayaa ka dambeeyay bayaan ay maalinimadii Khamiista soo sareen Waaxda Arimaha Dibadda ee Mareykanka ka dib markii wadahadallo lala yeeshay wafdi ka socday  dowladda xarunteedu tahay Tripoli/

Washington ayaa ku eedeysay Moscow inay ka faa’iideysaneyso khilaafka ka taagan dalka Liibiya,waxayna ku boorriyeen Generaal Khalifa Haftar in uu joojiyo weerarada ay ciidamadiisu ka wadaan caasimada Libya.

Ciidamada Libya ayaa u kala qeybsamay kooxo iska horjeeda oo xarumo ka kala dhigtay Tripoli iyo bariga tan iyo sanadkii 2014,waxaana mudadaasi sii kordhay kala duwanaanta fikradaha kooxaha hoggaamiyaasha kadib markii ay NATO horay u taageertay afgembigii taliyihii muddada dheer jiray Mucamar Qaddaafi saddex sano ka hor.

Bishii Abriil ee sanadkaan  Haftar iyo ciidamadiisu waxay bilaabeen duullaan si uu ula wareego caasimada Liibiya oo xarun u ah dowladda ay aqoonsan yihiin caalamka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...