Maleeshiyada Al-Shabaab oo iskaga baxay Gobolka Mudug

Date:

Wararka naga soo gaaraya Koofurta gobolka Mudug  ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maleeshiyada argagaxisada Al-shabaab ay iskaga baxeen deegaanno hoos yimaada degmada Xarar-dheere ee Gobolka Mudug.

Maleeshiyada ayaa iskaga baxday deegaanada Deeqlo iyo Maraale oo hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug kadib markii cabsi xooggan ay kasoo wajahday dhanka Ciidanka Xoogga dalka oo wado howlgallo lagu baacsanayo Horjoogeyaal ku dhuumaaleysanayo deegaannada qaar.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in maleeshiyadu ay iskaga baxday deegaanadaas, kadib markii ay Ciidanka Xoogga iyo Saaxibadooda Caalamka ay duqeymo ka fuliyeen todobaadki lasoo dhaafay,iyagoo sheegay in ay wadaan howlgallo argagaxisada looga saarayo tuulooyinka ay kaga dhuumaaleysanayaan deegaanada maamulka Galmudug.

Argagaxisada Al-shabaab oo dhibaato ku heyso dadka shacabka ah ee ku nool deegaannada ay ku suganyihiin ayaa waxaa soo wajahday cabsi xooggan kadib howlgallo ka bilaawday Gobolada dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka Soomaaliya oo tacsi u tegay Safaaradda Qatar ee New Delhi

New Delhi-Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Hindiya, Dr....

Guddoomiyaha Ku-xigeenka Ururka Kubadda Cagta CECAFA oo gaaray dalka Mareykanka

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka...

Khawaarijta Al-Shabaab ah oo lagu dilay duqeymo ka dhacay Deegaanka Goobo

War ka soo baxay Wasaaradda Gashaandhigga ayaa lagu sheegay...

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay...