Maamulka degmada Xamar-jajab oo dadaal ugu jira dib usoo celinta bilicda deegaanka

Date:

Maamulka degmada Xamar-jajab ee Gobolka Banaadir ayaa wada olole nadaafeed oo dib loogu soo celinayo bilicda xaafadaha kala duwan ee ay ka  kooban tahay degmadaas.

Bulshada qeybaheeda kala duwan oo leh Haween iyo rag oo uu wehlinayo guddoomiyaha degmada Xamar-jajab Mudane Guhaad Sheikh Xasan ayaa xalay howlo dib loogu soo celinayo bilicda laguna ilaalinayo nadaafadda degmada waxay ka sameeyeen Isgoyska Ceel-gaabta ilaa iyo isgoyka Afisyoone degmada Xamar-jajab ee Gobolka Banaadir.

Wadadaan ayaa dhowr jeer oo hore laga sameeyay howlo nadaafadeed,balse waxaa soo noq noqday Biyaha wasaqda ah oo xilliyada habeenkii ay ku shubaan dadka ku ganacsada hareeraha wadada.

Guddoomiyaha degmada Xamar-jajab Guhaad Sheikh Xasan ayaa shacabka degmada gaar ahaan Ganacsatada ugu digay iney waxyaabaha aan u wanaagsaneyn bilicda iyo caafimaad qabka dadka ay ku shubaan wadada iyo goobaha kale ee danta guud.

“Tiro dhowr jeer ah oo aan nadiifinayna waxay ku soo baxday si fiican oo nadiif ah,balse wuxuu culeys ka yimid dhanka goobaha ganacsiga oo nala garan waa maadaama habeenkii aan nadiifineyno in iyagana maalintii ay ka ilaaliyaan wasaqda,” ayuu yiri guddoomiye Guhaad.

Ugu dambeyntii, Guddoomiye Guhaad Sheikh Xasan ayaa Bulshada degmada Xamar Jajab ugu baaqay iney lagama maarmaan ay tahay ilaalinta deegaanka iyo bilicda intaba.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa dadaal ku bixinaya sidii loo hagaajin lahaa nadaafadda dibna loogu soo celin lahaa bilicda caasimadda si ay ula tartanto dhiggeeda caalamka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...