Wasaaradda Gargaarka Oo Sheegtay In Qorshaha Gargaarka Uu Sidii Loogu Talo Galay u socdo

Date:

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareeynta Masiibooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in howlaha gurmadka ee la gaarsiinayo dadka Fatahaadaha waxyeeleeyeen ay sidii loo qorsheeyay u socdaan.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka Mukhtaar Sheekh Xuseen Jimcaale oo Wareysi siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay in wasaaraddu xarumo kumeel gaar ah ka furatay gobolka Hiiraan gaar ahaan magaalada Baledweyne halkaas oo ah meesha ugu badan  uu saameynta ku yeeshay wabiga Shabeelle.

Mukhtaar Sheekh Xuseen ayaa tilmaamay in Gargaar bilow ah la gaarsiiyay dadka qaarkood oo ay fatahaadu waxyeelo ku yeelatay.

Meelaha gargaarka la gaarsiiyey illaa haatan waxaa kamid ah magaalooyinka Beledweyne, Baardheere iyo Bardaale degmooyinkaas oo ah halka ay dadku guryahoodii ay ka barakicisay masiibada fatahaadda iyagoo wajahaya xaalado dhinaca nolosha ah oo ay kamid yihiin cuno, raashiin iyo iyagoo u baahan meel ay ku hoydaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Danjire Ilyas Cali Xasan oo loogu soo dhoweeyay Magaalada Lubumbashi ee Dalka Kongo DRC 

Lubumbashi, Kongo DRC, Oktoobar 23, 2025 – Wafdi uu...

Safaaradda Soomaaliya ee Ankara oo kala hadashay Turkiga Sharciga Deggenaanshaha Soomaalida

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS) ee Ankara ayaa bilihii...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey darajooyinka loo asteeyey Degmooyinka Gobolka Banaadir

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo tacsiyeeyay geeriddii ku timid Cabdullaahi Daahir Barre.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Mudane Sulaymaan Maxamed Maxamuud,...