Dowladda Soomaaliya oo dhowaan bixineysa shatiyo Shidaal

Date:

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, Cabdirashid Maxamed Axmed, ayaa sheegay in Dowladdu ay ku tala jirto Bisha Disember ee Sanadkan in ay bixiso shatiyo Shidaal oo gaaraya 30 Bilyan oo Birmiil.

C/rashiid Maxamed oo Magaalada Cape Town ee Dalka Koofur Afrika kaga qeyb galaya shirka Shidaalka iyo Gaaska ee Afrika ayaa Wakaaladda Wararka ee Reuters u sheegay in ay shirkado badani ku loollami doonaan qaadashada Shatiyadaasi.

Sahankii dhowaan laga sameeyay 15 xirmo ayuu sheegay Wasiirku in uu ku jiro Shidaal qiimahiisu gaaraya 30 Bilyan oo Birmiil, kaas oo fursado shaqo u noqon doona Dhallinyarada, Gacanna ka geysan karta in da’ yartu aysan ku biirin kooxaha Burcad badeedda.

Wuxuu sheegay in goobaha laga helay xirmooyinka ay ka fog yihiin halka ay ku muransan yihiin Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, lagana nadiifiyay Kooxahii Burcad Badeedda ahaa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee Shiinaha oo la kulantay howlwadeeno ka tirsan DF

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo Qaabishay Saraakiil Dowladeed ayaa...

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas...

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay Jaamacadda Turkiye ee Ostim Teknik

U qeybsanaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee...

Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)

Qormadaani waxa aan si qoto dheer ah ugu hadli...