Wasaaradda Gargaarka oo sheegtay in sidii loogu talo galay ay u socdaal howlaha gurmadka

Date:

Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in howlaha gurmadka ee loo sameynayo Dadka ay Fatahaaddu saameysay ay si wanaagsan u socdaan.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka,Mukhtaar Sheekh Xuseen Jimcaale oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Wasaaraddu xarumo kumeel gaar ah ay ka furatay Magaalada Baledweyne, halkaas oo ah meesha ugu badan ee uu saameynta ku yeeshay Webiga Shabeelle.

Agaasimaha guud ayaa sheegay in Dadka qaar, la gaarsiiyay gar-gaar billow ah, iyadoo loo eegayo meelaha ugu daran, isla markaana ya howluhu u socdaan sidii loogu talo galay.

Meelaha gargaarka lagaarsiiyey waxaa kamid ah Baledweyne, Baardheere iyo Bardaale, Degmooyinkaas oo Dadkii ku noolaa ay intooda badan isaga barakaceen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Munaasabada xuska ciidanka Booliiska oo goordhow ka bilaaban doonta Muqdisho

Waxa maanta oo ah 20-ka bisha disember si weyn...

Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar

20-ka disember waa astaan ka mid ah maalmaha qaran...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY RA’IISUL WASAARAHA ITOOBIYA.

Addis Ababa, Diseembar 19, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Kalluumaysiga Soomaaliya oo Ankara kula kulmay dhiggiisa Turkiga.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda...