Dadka Buuhoodle Oo Billaabay Deeq Aruurin Qeyb Ka Ah Samatabixinta & Gargaarka Fatahaaduhu

Date:

Dadka deegaanka ee magaalada Buuhoodle ayaa billaabay olole deeq aruurin ah taas oo loogu talo dadka Soomaaliyeed oo ay Waxyeelo ka soo gaareen fatahaadaha labada webiyo ee Shabeele iyo Jubba iyo roobabka xilligan oo isbiirsaday.

Ururka Talo-doon oo ka dhisan Magalada Buuhoodle ayaa ku dhaqaaqay ololahan oo qeyb ka ah in dadka deegaankaasi ku dhaqan ay gacan ka geystaan kaalmada deeqaha loo aruurinayo dad ay saameeyeen fatahaadaha gaar ahaan webiga Shabelle ee magalada Beledweyne.

Dhanllinyaro badan oo si iskood ah isku soo abuulay ayaa lagu arkayaa bartamaha magaalada Buuhoodle ee gobolka Sanaag.

Howshan oo sida lagu soo waramayo ka billaabatay goobaha ganacsiga, xarumaha waa weyn ee shirkaha iyo Guryaha qoysasku ay daganyihiin halkaasoo kooxo dhalinyaro ahi la sheegay in ay ka bilaabeen aruurinta deeq ay ugu talo galeen in ay kaga qeyb qaataan si ay gacan uga geystaan samatabixinta qoysaska ay barakiciyeen fatahaadaha ka dhashay webiga Shabeele uu ku sameeyeeyay dhowaan gudaha magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabbilay Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Marwada Madaxweynaha JFS oo maanta iska diiwaangelisay degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan,...

Soomaaliya oo marti galisay Shirka Xubnaha Siyaasadda Ciidamada Joogtada ah ee bariga Afrika (EASF)

Waxaa si rasmi ah maanta Muqdisho loogu furay kulammada...

Guddoomiye Muungaab oo la kulmay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...