Yugaandha oo qorsheynaysa in ay Ciidamo hor leh usoo dirto Soomaaliya

Date:

Dowladda Yugaandha ayaa lagu wadaa in ay Soomaaliya usoo dirto Ciidamo Boliis ah, oo ka qeyb noqon doona howl-galka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Agaasimaha howl-gallada nabadda Boliiska Yugaandha, Grace Turyagumanawe, oo dhowaan booqasho ku yimid Muqdisha ayaa sheegay in uu Ciidankani ka qeyb qaadan doono sugidda ammaanka Dalka Soomaaliya.

Taliye ,Turyagumanawe ayaa hadalkan ka jeediyay kulan uu Muqdisho kula qaatay Saraakiisha howl-galka midowga Afrika ee Soomaaliya, si uu ugu kuur galo heerka shaqadooda nabad ilaalineed iyo tababarrada ay bixiyaan.

Grace Turyagumanawe , ayaa yiri”Diyaar garow ayaa socda si loo hubiyo in aan geyno qayb Labaad sida lagu heshiiyay dhowaan. waxaan ka shaqeyneynaa sidii aan ku heli lahayn qalabka lagama maarmaanka ah.

Simon Mulongo, ku-xigeenka wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika, ayaa kulanka ka sheegay in uu ku qanacsan yahay doorka ay Boliiska Yugaandha kaga jiraan nabad dhisidda iyo sare u qaadidda awoodda Boliiska Soomaaliya.

Ciidanka Boliiska midowga Afrika ayaa qorsheynaya in xilliga kala guurka ka hor ay Booliska Soomaaliyeed u diyaariyaan qalabkii ay ku howl-geli lahaayeen iyo tababarro dhammays tiran, si ay ammaanka Dalka iyo kala dambayntuba ula wareegaan marka ay Dalka ka baxdo AMISOM 2021-ka.

Ciidankan cusub oo aan tiradiisa la shaacin ayaa qeyb ka noqonaya Ciidamo Boliis Afrikaan ah oo horay Dalka Soomaaliya u joogay Soomaaliya, kuwaas oo ka kala socda Waddamada Uganda, Kenya, Nigeria, Sierra Leone , Zambia iyo Ghana, kuwaas oo ilaaliya xarumaha muhiimka ah tababarna siiya Booliska Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga oo khawaarijta ku jabiyay dagaal ay kula galeen agagaraarka Daynuunaay ee Gobolka Bay

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Maleeshiyaadka Al-Shabaab ku jabiyay...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo guddoomiyey Shirka Arrimaha Bani’aadanimada Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

Wasiiru-Dowlaha Caddaaladda oo xilka u kala wareejiyay taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta iyo taliyaha cusub

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Caddaaladda Soomaaliya, ahna Ku-simaha Wasiirka, Mudane Ilyaas...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Bilowday Barnaamij Tababar oo ku Saabsan Amniga Saaybarka

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasiin...