Soomaaliya oo Denmark kala hadashay xaaladda Baladweyne

Date:

Wasiir ku xigeenka wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Soomaaliya, Cabdirashiid Maxamuud Xasan ayaa Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya uga qeybgalay shir ku saabsan fulinta meel marinta heshiiskii Adduunka ee arrimaha Qaxootiga oo ay so qaban qaabisay hay’adda Aduunka u qabilsan Qaxootiga ee UNHCR.

Wasiir ku xigeenka iyo hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR ayaa waxay ka wada hadleen xaaladaha ka taagan Dalka Soomaaliya oo ay ugu horreyso wax ka qabashada fatahaadaha Wabiyada Shabeele Iyo Jubba.

Dhinaca kale , Wasiir ayaa isla Xalay kulan deg-deg ah kula qaatay Magaalada Addis ababa Wasiir ku xigeenka siyaasadda iyo horumarinta Dalka Denmark, Stephan Schoneman, shirkaas oo looga hadlayay xaaladaha Bini’aaddannimo ee ka taagan Gobolka Hiiraan gaar ahaan Magaalada Baladweyne.

Kulanka ayaa layskula soo qaday sidii looga hortagi lahaa in ay soo laabato xaalad la mid ah midda haatan ka taagan Baladweyne iyo sidii ay Dadkaasi u heli lahayeen gurmad deg-deg ah.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Soomaaliya ayaa ballan qaaday in ay ka Dowlad ahaan Gacan buuxda ka geystaan sidii loogu gurman lahaa Shacabka ku dhibaateysan Magaalada Baladweyne iyo nawaaxigeeda,

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Yeman

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan is xogwareysi ah la qaatay Agaasimaha Guud iyo Agaasimayaasha Waaxyaha

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS Mudane...

Madaxweynaha JFS “Dastuurka dhaqangalkiisa waa bilowday, dhowaana waa la kala sarayaa Baarlamaanka iyo XFS.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Howlgal jab xooggan lagu gaarsiiyay khawaarijta oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...