Ururka Haweenka Qaranka oo kulan la qaatay Haweenka Degmada Shibis

Date:

Munaasabadaan oo ay soo qaban qaabiyeen Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed ujeedkeeda ahaa wacyigelinta bulshada iyo isdhexgalka ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Ururka Haweenka Qaranka ayaa munaasabadda ku soo bandhigay Ciyaaraha Hidaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed, Ruwaayado iyo heeso ka turjumayo ahmiyadda ay bulshada u leedahay Nabadda.

Safiyo Maxamed Cali oo ah Guddoomiyaha Ururka haweenka Degmada Shibis ayaa waxaa ay uga mahadcelisay ururka haweenka Qaranka dadaallada wacyigalineed ee ay wadaan, waxa ayna sheegtay in haweenka Degmada Shibis iyo kuwa degmooyinka kale ay diyaar u yihiin  ka shaqeynta isdhexgalka bulshada.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuulo Sheekh Axmed Gabale ayaa ka warbixisay wacyigalinta ay mudooyinkaan wadeen Ururka haweenka, iyadoo sheegtay in waajibaad gaar ah uu ka saaranyahay wacyigelinta bulshada maadaama haweenku ay yihiin kuwa xog ogaal ah ahna lafdhabarka bulshada

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...

Taliyaha CXDS oo dhagax-dhigay Saldhigga degmada Howlwadaag.

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen. Sulub Axmed Firin ayaa...

Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Hirshabeelle oo Jowhar ku qabtay kulan dadweyne.

Qaar ka mid ah Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Baarlamaanka...

Ciidanka Xoogga oo toogtay naftii hallige khawaarij ah

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa afaafka hore ee xeradda...