Ra’iisul Wasaare Khayre Iyo Wasiirka Maaliyadda Netherland Oo Kulan Ku Yeeshay Washington

Date:

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Washington kula kulmay wasiirka maaliyadda Norway, Siv Jensen oo ay ka wada hadleen xoojinta xariirka labada dowladood iyo qorshaha Soomaaliya deynta looga cafinayo.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa wasiirka maaliyadda Norway la wadaagay abaalka dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ay dowladda Norway uga hayaan taageerada joogtada ah iyo $359-ka milyan ee deynta ah ee loo qorsheeyay in lagu nadiifiyo deynta Bangiga adduunku uu ku leeyahay Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulanka ka sheegay in tillaabada dowladda Norway ku caawisay Soomaaliya ay tahay tilaabadii ugu horreysay ee loo qaaday nadiifinta dowladda iyo barta go’aanta ee Feberaayo 2020.

Kulanka Ra’iisul Wasaare Khayre uu la qaatay Siv Jensen ayaa qayb ka ahaa shirar doceeyo uu Washington kula yeelanayay wasiirro maaliyadeed iyo mas’uuliyiin kale.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ka qayb galay kulanka miiska wareegsan oo looga hadlay deyn cafinta dalka, waxa uuna kulamo kala duwan la qaatay wasiirrada maaliyadda Netherlands iyo Talyaaniga iyo madaxweynaha Bangiga adduunka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY RA’IISUL WASAARAHA ITOOBIYA.

Addis Ababa, Diseembar 19, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Kalluumaysiga Soomaaliya oo Ankara kula kulmay dhiggiisa Turkiga.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda...

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.

Muqdisho, Khamiis, 18 Diseembar 2025:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka...