Dhismaha Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida Qeybta 21-aad oo meel wanaagsan maraya

Date:

Taliyaha qaybta 21-aad Gen; C/Casiis C/laahi Cabdi “Qooje” iyo Saakiisha Maxkamada Ciidanka Qalabka sida qeybta 27-aad ayaa kormeeray dhismaha xarunta Maxkamada ciidanka qalabka sida qaybta 21-aad oo laga hirgalinayo Magaalada Gaalkacyo oo xilligaan maraya meel gaban gabo ah.

Kormeerkan waxaa qeyb ka ahaa ku Xigeenka Xeer-ilaalinta Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliya G/le “Keyse” , iyo Saraakiil kale.

Saraakiisha ayaa u kuur gashey waxyaabaha ka dhiman xarunta Maxkamada oo hirgelinteedu horseedi doonto in la qaado dacwadaha loo heysto eedeysanayaal ku Jira Xabsiyada kala duwan ee Ciidanka.

Taliyaha qeybta 21-aad ayaa tallaabada dhismaha xaruntaan ku sheegey in ay ka mid tahay juhdiga uu taliskiisu tan iyo markii lasoo Magacaabey ku bixiyay dhismaha xarumaha adeegga ee Ciidanka, isagoo intaa raaciyay in ka shaqeysiinta Maxkamaddu ay tusaale buuxo u tahay Dowladnimada iyo kala sarreynta sharciga Dalka.

   

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...