Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Oo Qaabilay Agaasime Gobolleedka IOM Ee Bariga & Geeska Afrika

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ku qaabilay Muqdisho Agaasime Gobolleedka Hay’adda Caalamiga ee Socdaalka (IOM)  Mudane Mohammed Abdiker, oo uu kala hadlay dhowr arrimood oo ahmiyad wadaag leh, oo ay ku jirto sidii taageero loogu fidin lahaa muhaajiriinta Soomaaliyeed ee ku sugan dhowr dal oo ku kala yaala qaaradaha Afrika, Aasiya iyo Yurub , iyaga oo ku jira xerooyin ay kala kulmayaan xaalad ba’an oo dhinaca nolosha ah.

Waxaa kulanka sidoo kale lagu faaqiday taageeridda qorshaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee ku aaddan Qurba-joogta Soomaaliyeed si loo abaabulo kulamo, madal-doodeedyo iyo seminaarro lagu xoojinayo baraarugga iyo dareenka caafimaadsan ee qurba-joogta iyo muwaadiniinta dal-joogga ah.

Sidoo kale waxa ay isla garteen in  la kordhiyo wacyigelinta dhalinyarada taasi oo ku aadan khatarta ka dhalan karta tahriibka iyo dhibaatooyinka la xiriira, intii uu socday kulanka ayaa labada dhinac waxa ay hoosta ka xariiqeen in la xadeeyo tahriibka iyo halisaha ka imaan-kara tahriibka, kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa barnaamijyada la hal maala kobcinta awoodda ee si loo tayeeyo howlwadeennada ku shuqlan horumarinta arrimahan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...