Guddoomiyaha Aqalka sare ee BJFS oo Shacabka Soomaaliyeed la wadaagay Xusuusta dhacdadii 14kii October

Date:

Gudoomiyaha golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa shacabka Soomaaliyeed la Wadaagay Xusuusta Dhibaatadii ka dhacday isgoyska soobe ee magaalada muqdisho,

Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi Guddoomiyaha golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay isagoo ku hadlaya Magaca Guddoonka iyo guud ahaan Golaha Aqalka Sare in uu Tacsi u Dirayo dadkii Soomaaliyeed ee ehelkood ku dhinteen iyo kuwii hantidooda uga baaba’aday Qaraxaasi, wuxuuna Eebe uga baryay dadkii ku dhintay in uu naxariistii jano ka waraabiyo ,

Gudoomiyaha golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa kuwii ka danbeeyay qaraxii Soobe ee waxyeelada loogu geystay  shacabkii soomaaliyeed in uu rabi ka jaasiyo.

2-sano ayaa maanta laga joogaa markii Kooxda arxan laawayaasha ee u soo dhigtay gumaadka ummadda Soomaaliyeed ay dad badan ku xasuuqeen Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixisay sidii dadka dhibanayaasha u ah Qaraxaasi ula qeybsan lahayd waxyeelada soo gaartay.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Ammaanka oo Degmada Cabdicasiis ka wada howlgal lagu ururinayo hubka sharci-darrada ah

Ciidamada ammaanka ayaa ku guda jira howlgal lagu ururinayo...

Danjiraha Soomaaliya ee Geneva oo Ka Qaybgalaya Doodaha Heerka Sare ee Shirweynaha Shaqaalaha Caalamiga ah.

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Xarunta Qaramada Midoobay...

Tianjin magaalo kulmisay taariikhda iyo tiknoolajiyada mustaqbalka ee Shiinaha

Tianjin, Shiinaha – Magaalada Tianjin ayaa maanta loo aqoonsan...

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan oo shir kaga qaybgalaya Switzerland

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali...