Madaxwynaha shiinaha “si adag ayaan kaga hortagaynaa cadowga qaybinaya dalkeenna”

Date:

Madaxwaynaha dalka shiinaha ayaa ku goodiyay in tallabo naxariis la’aan ah ka qaadayaan cid allaale ee isku daya in ay kala qaybiso dal waynaha shiinaha dadka, sida lagu sheegay war-murtiyeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaasi.

Hadlakaan ayuu ka jeediyay madaxwaynaha shiinaha dhmaadka todobaadki la soo dhaafay ka dib markii uu booqasho ku tagay dalka Naybaal.

“ Qof alaale qofkii isku daya in uu ka jaro gobol shiinaha ka mid ah waa uu halaagsamayaa, waaana bur-burineynaa jirkiisa, lafihiisanna waan shiidaynaa si ay u noqdaan budo” sidaas waxaa yiri madaxweynaha shiinaha.

Waxa uu isntaas ku daray in quwad kasta ee shisheeya ee taageerta isku dayga qaybinta Shiinaha ay riyo ku jirto,Warka madaxweynaha ayaa yimid kadib bilo ay socdeen mudaaharaadyo lagu canbaareeynayo Bekiin, balse dowladda shiinaha ayaa ku eedeeysay in ay jiraan dalal ka  hurinayo qalalaase gobollo hoostaga Jamhuuriyadda dadka ee Shiinaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...