Qays Saciid oo ku horreeya tartanka madaxtinimada dalka Tuniisiya

Date:

 

Natiijooyinka hor dhaca ah ayaa sheegaya inuu Saciid kaga sareeyo codbixinta nin la tartamay ee lagu magacaabo Nabiil Al-qurawi oo dhawaan laga soo daayay xabsi uu ku jiray sababo musuq-maasuq dartii

Musharraxa madaxa banaan ee dalka Tunisiya isla markaana ah professor sharciga ah ayaa ku guuleeystay doorashada madaxtinimo ee  dhacday dalka Tunisiya.

Warbaahinta dalka Tunisiya oo soo xiganayeysa gudiga doorashada ayaa ku warantay in wareegga 2-aad ee doorashada uu Qays Saciid ka helay 72 ilaa 77 boqolkiiba codadkii la dhiibtay.

Musharaxa kale ee loolanka kula jiray Nabiil Al Qarawi ayaa isna helay inta u dhaxeysa 23 ilaa 27 cod boqolkiiiba.

Dhanka kale waxa uu qirtay Nabiil Al-qurawi in uu ku guul daraystay doorashada madaxtinimmo ee tuniisiya.

Akhbaartii guusha doorashada madaxrtinnimo e dalka Tunisiya markii ay soo baxday ayaa marqura waxaa ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Tunisiya waxaa ka bilowday dabaal dag.

Dadka Codadkooda dhiibanayay ayaa u dhiibtay si xor ah si ay usoo doortaan Madaxweynaynaha Xukunka hey doona sanadaha soo aadan,waxaana doorashadaasi u dhacday si aan mudi ku jirn sida ay sheegeen Guddiga Doorashooyinka Dalkaasi Tunisiya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA MARXUUM MAXAMED FAARAX JIIS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay gobolka Shabeellaha Dhex

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor, ayaa...

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq raashin ah oo la gaàrsiiyay

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq...

Xilheynta xilalka heer gobolka iyo degmo ee maamulka K/Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowladda Soomaaliya ayaa...