Ra’iisul wasaaraha dalka oo kormeeray Tiyaaterka Qaranka.

Date:

Ra’iisul wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kormeerka uu ku tagay Tiyaaterka Qaranka waxaana halkaas ku soo dhaweeyay masuuliyiin uu ka mid yahay agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska, maareeyaha golaha murtida iyo wacyi galinta Qaranka iyo xubno kale

Ra’iisul wasaaraha ayaa u kuur galay howsha dib u dhiska ah ee ka socota iyo halka uu marayo waxaana uu warbixin ka dhageystay masuuliyiinta hormuudka u ah dhismaha halkaa ka socda iyo Maareeyaha Tiyaaterka isagoo bogaadiyay miradhalka Barnaamijka isxilqaan ee dib loogu dhisay xarumo muhiim ah oo uu ka mid yahay Tiyaaterka Qaranku.

Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kormeer ku sameeyey Xarunta Tiyaatarka Qaranka, oo ay meel Gaban-gabo ah Marayo dib u dhiska ku socda.

Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kormeer ku sameeyey Xarunta Tiyaatarka Qaranka, oo ay meel Gebagebo ah marayo dib u dhiska ku socda.

Δημοσιεύτηκε από Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed στις Τρίτη, 8 Οκτωβρίου 2019

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...