Booliiska Singapore Oo Xiray Dhowr Qof Oo Lagu Eedeeyay Taageere Daacish

Date:

Singapore:- Ciidamada Boliiska dalka Singapore ayaa xabsiga dhigay sadex haween oo lagu eedeeyay in ay taageero dhaqaale u fidin jireen kooxda Daacish.

Haweenkaan oo ka soo jeeda dalka Indonesiya, waxaa muddo u dhaxeysa 6 ilaa 13-sano ay ahaayeen  shaqaale ka xoogsada gudaha dalka Singapore.

Magacyadan saddexda eedeeysane ee haweenka ah ayaa lagu kala magacaabaa Anindia Afiyantari, oo 33-sano  jir ah, Retno Hernayani oo 36-sano jir ah  iyo Turmini oo 31-sano jir ah, waxayna sameysteen shabakad xiriirka qadka ah oo ay la wadaageen kooxda ISIL.

Dowladda ayaa sheegtay in saddexda haween ay sidoo kale ahaayeen kuwo gacansaar la leh shabakado shisheeye oo ka dambeeya argagixisada caalamka, waxaana warku intaa ku darayaa in xarigga haweenkaasi uu muujinayo sii socoshada fekirka khaldan ee kooxda ISIL.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta keydka Daawada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa...