Hadal-jeedinta Madaxweynaha JFS Abaalmarinta Hoggaaminta ee Shirweynaha New york.

Date:

Waxa sharaf ii ah inaan galabta idin la joogo shirweynaha sannadlaha ah ee Concordia. Waxaa sidoo kale sharaf ii ah inaan guddoomo Abaalmarinta Hoggaamineed ee Concordia, sannadkan 2019.

Waxaan si gaar ah Hoggaanka Concordia uga mahadcelinayaa inay aqoonsadeen dadaalka joogtada ah ee ay madaxda Geeska Afrika ugu jiraan sidii gobolka nabad loogu soo dabbaali lahaa.

Khilaafka iyo dagaalku waxay siyaabo kala duwan u siyaadiyeen saboolnimada ka jirta gobolka, sida inay dhaawac weyn u geysteen kaabayaasha dhaqaale; hay’adaha iyo waxsoosaarka; burburinta hantida; qoqobka iyo kala daadashada mujtamaca iyo shabakadaha bulsho; barakac khasab ah iyo shaqo la’aan iyo sicir barar joogto ah. Waxa intaasi dheer, kheyraadka oo yar oo ay wehliso koror dadweyne oo xawli ah, saboolnimada iyo horumar la’aanta ayaa sidoo kale ah qodobo qeyb ka qaata xasillooni la’aanta gobolka.

Nabaddu waxay lagama maarmaan u tahay in la helo koboc waara, waxaana sidoo kale ka tarjumaysaa heshiis ama wada noolaansho bulsho, deganaan iyo barwaaqo.

Waxa sharaf ii ah inaan idin la wadaago in Geeska Afrika ay hadda ka jirto saansaan rajo iyo nabdeed kaddib sannado badan oo nabadgelyo la’aan ah. Si kastaba, in nabadda la joogteeyo waxay u baahan tahay kalsooni dhis, isu-tanaasul, wadajir, faham iyo in ay taasi ka go’an tahay dhammaan dhinacyada qaybta ka ah khilaafka.

Heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee u dhexeeyay saddexdeenna waddan waxa uu xoogga saarayay isdhexgalka dhaqaale, waxaana mahad iska leh Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Ereteriya Mudane Isaias Afwerki.

Intaas marka laga yimaaddo, waxa weli jira caqabado u baahan in lagaga gudbo taageero dhanka dhaqaalaha ah iyo mid siyaasadda ah.

Ugu dambayntii, waxaan jeclahay inaan Concordia ku bogaadiyo inay isu keentay dhammaan bulshooyinka caalamka, waxaana uga mahadcelinayaa abaalmarintan hoggaamineed ee ay igu sharfeen.

Fadlan halkaas ka sii wada hawsha qiimaha leh ee aad haysaan.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...