Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdigiisa oo lagu soo dhaweeyay New York

Date:

Wafdi uu hoggaaminayo madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa gaaray magaalada New york ee dalka Maraykanka,halkasi oo si diirran loogu soo dhaweeyay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa magaalada New york kaga qaybgalaya shirka sanad laha ah ee golaha guud ee Jimciyadda quruumaha ka dhexeysa. meertadiisa 74-aad ee  ,kaasi oo looga hadlayo arrimo badan oo quseeya Caalamka.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa madaxda ka qaybgalaysa shirkaasi uga warbixindoona arrimaha Soomaaliya,iyo guud ahaan horumarka ay ku talaabsanayso Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu kulammo doceedyo gooni gooni ah la yeelan doonaa madaxda ka qaybgalaysa shirkaasi,si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka Soomaaliya uu kala dhaxeeyo dowladaha kale ee dunida oo hoggaamiyaashooda shirkaasi ka qaybgalaya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...